Laba qof oo ku dhintay mudaharaad ka socdo Bangladesh

0
514

Laba qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo cusub oo u dhexeeya mudaaharaadayaal iyo booliska dalka Bangladesh.
Tani ayaa tirada dhimashada ee mudaharadyada looga soo horjeeda booqashada ra’iisul wasaraha dalka India Narendra Modi ka dhigeyso 13 qof sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.
Dibadbaxayaasha oo badankood ka tirsan kooxda mayalka adag ee Hefazat-e-Islaam ayaa ka careeysan booqashadii Modi, iyada oo dhanka kalana dalka Bangladesh laga xusayso 50 sano guuradii ka soo wareegatay xurriyadda dalkaas.
Dibadbaxayaasha ayaa Narendra Modi ku eedeyay inuu abuuray rabshado lagula kacay muslimiinta wadankiisa ku nool.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Bangladesh Asaduzzaman Khan ayaa ku baaqay in la joojiyo banaanbaxyada.