India oo hal maalin laga xaqiijiyay in ka badan 40,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

0
802

Gobolka Maharashtra ee dalka India ayaa laga diwaan galiyay tiradii ugu badnayd ee caabuqa COVID-19 hal maalin gudaheed
DowladDa dalka India ayaa ka baaraan dagaysa sidii xayiraado dheeraad ah loogu soo rogi lahaa gobolka Maharashtra ee dalkaasi ka dib marki ay korodhay tirada dadka uu sida maalin laha ah u soo ridanayo fayraska ee gobalkaasi.
Gobalkani ayaa laga xaqiijiyay tiradii ugu badnayd ee cudur sidaha coronavirus sida ay shegeen saraakiisha caafimaadka ee India.
Axadii shalay oo kaliya gobalkani waxaa laga soo tabiyay in dad tiro ahaan gaaraya 40,414 qof oo hor leh uu haleelay cudurka.
Gobolka Maharashtra, oo kaalinta kowaad kaga jira gobollada ugu dhaqaalaha fiican wadanka India ayaa wajahaya mowjado cusub oo cudurka Covid-19 tan iyo wixii ka dambeeyay bishii saddexaad ee sanadki hore.
Dowladda dalka India ayaa sheegtay in gobalkan lagu soo rogi doono xayiraado lagula tacaalayo kiisaska sii kordhaya.
Xayiradahani waxaa ka mid ah bandow xilliga habeenki ah iyo xayiraado dhinaca socdaalka ah oo la doonayo in gabolka Maharashtra laga dhaqan galiyo
Kulan ay Axadi shalay ahayd yeesheen xubnaha guddiga qaran ee loo xilsaaray xakamaynta caabuqa ee gobolka Maharashtra, ayaa soo jeediyay in la qaado tallabooyin dheraad ah si wax looga qabto tirada sida maalin laha u sii kordhaysa.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolkan ayaa xaqiijiyay in xayiraadda ay dhaqan gali karto maalmaha soo socda.
Gobolkan ayaa laga xaqiijiyay si guud in dad gaaraya 2.67 milyan oo qof uu haleelay cabuqa corona iyada oo dhimashaduna ay kor u dhaafayso 54,000 .
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dalka India si guud waxaa looga diiwaan galiyay dad gaaraya 67,714 qof oo uu soo ritay caabuq iyada oo dhimashada cusubna ay gaarayso 312 qof.
Tirada guud ee dadka dalkaasi ee uu haleelay cudurka COVID-19 ayaa gaaraysa 12 milyan halka dhimashadu ay ku dhowdahay 162,000.
Dhanka kale tirada dadka ee ilaa iyo hadda cudurka COVID-19 looga tallaalay gudaha wadanka India ayaa ah 40 milyan tiradan oo u dhiganta boqolkiiba 4 tirada guud ee dadka ku nool dalkaasi.
Dowladda India ayaa dhaleecayn xooggan la kulantay ka dib marki ay soo baxday tiro badan oo ah tallaalka in loo qaaday dibadda wadankaas iyada oo ay taagan tahay baahida talaalka ee gudaha India.
Todobaadki hore dowladda dalkaasi oo ka jawaab celinaysa arrinkani ayaa shaacisay inaysan jiri doonin talaal danbe oo si dhakhsa ah loogu dhoofiyo dibadda dalkeeda, iyada oo daboolka ka qaaday in wixii haatan ka danbeeya muhiimadda kobaad ay siin doonto badbaadinta shacabka ku nool gudaha wadankaas.