Xaaladaha COVID-19 ee Kenya oo la sheegay in bisha 6-aad ay gaari karaan 1 milyan

0
704

Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee dalka (KEMRI ) ayaa sheegay in marka la gaaro bisha Lixaad ee sanadkan ay kiisaska cudurka COVID-19 ee gudaha wadanka gaari karaan hal milyan.
Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale xusay in bishan ila iyo bisha Afaraad ay kordhi doonaan xaaladaha cudurka iyo dhimashada ka dhalata iyada oo dalka uu la daala dhacayo mowjadii saddexaad ee xanuunka.
Warbixinta KEMRI ayaa lagu sheegay in arrintani loo sababeeyay nooca cusub ee caabuqa ee la soo tabiyay inuu wadanka soo gaaray.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dhankeeda shaacisay in mowjadda saddexaad uu aad uga badanaan doona midkii labaad.
Maalmihii la soo dhaafay kiisaska COVID-19 ee dalka ayaa kor u kacayay waxaana maalintii Khamiista la diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd oo ah 2,008 xaaladood.
Ila iyo hadda ismaamulada Wajeer, Tana River iyo Mandera ayaa ah kuwo laga diiwaan geliyay kiisaska tira ahaan ugu hooseeya.