Madaxda maamulada Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka oo kulan yeeshay

0
633

Madaxweynayaasha Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalintii saddexaad Shir uga socdo Magaalada Muqdisho ayaa kulan la leh Wakiilada Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah Hogaamiyeyaasha dhamaan Shanta Maamul Goboleed ee Soomaaliya ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasoo Todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Maanta Kulan yeeshay waxayna akulankooda uga hadlayna xal u helida Marxaladda dalku marayo gaar ahaan arrimahaa xiriira Doorashada ee Jaahwareerku ka jiro.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa sidoo kale shirkooda waxaa la filayaa inuu ku biiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.