Qarax shacab ay ku waxyeeloobeen oo Muqdisho ka dhacay

0
702

Sida ay warbaahinta Gudaha Soomaaliya Baahisay Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaari uu leeyahay xoghayaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho koo marayay meel suuq ah oo isla degmada ka tirsan una dhow Xarunta degmada Dayniile.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen dad dhintay iyo kuwa dhaawac ah oo goobta laga qaadayo markii uu qaraxu dhacay kadib.
Qaraxa oo ahaa nooca hareerraha wadooyinka la dhigo ee meelaha fog laga hago ayaa waxa ka badbaaday qofka llaa doonayay oo ahaa xoghayaha degmada Dayniile magaciisana lagu sheegay Mahad Sharaawe, balse waxa halkaas ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Isla degmada Daynniile qarax kale oo isana ahaa nooca waddada hareerraheeda la dhigo ayaa lagu weerarray gaari marayay agagaarka xerada Damaanyo oo ku taal dhabarka dambe ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi uu dhaliyay.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada saaka ka dhacay degmada dayniile ee Magaalada Muqdisho balse weerarrada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta inay Masuul ka yihiin dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab.