Ra’iisul wasaaraha Australia oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

0
510

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa maanta shaaciyay isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirada ka dib eedeymo dhowr ah oo loo jeediyay.
Waxaa uu sheegay in Linda Reynolds laga qaaday xilkii wasiirka gaashaandhigga waxaana lagu beddelay Peter Dutton oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha.
Sidoo kale ra’iisul wasaare Morrison ayaa xilka ka qaaday xeer ilaaliyihii guud ee Australia Christian Porter sidoo kalena ahaa wasiirkii warshadaha waxaana lagu beddelay Michaelia Cash.