Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo laba jeer Ra’iisul Wasaare kasoo noqday Soomaaliya kana tirsan Xildhibaannada Aqalka sare ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka weli kajira doorashooyinka.
Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in qorshaha socda ee lagu baabi’inayo heshiiskii 17-kii September uu yahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka xasillooni-darrada ayna tahay in la cunaqabateeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada.
Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhiso kalsoonida ka dhaxeysa saamileyda ee Soomaaliya si dalka horay loogu qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo dhinaca dimoqraadiyada ah.
“Dadkeenu waxay filayeen talaabooyin wax ku ool ah oo loo qaado dhanka dimoqraadiyada marka loo eego wixii ay xukuumadani filaysay ama ay waligeed diyaar u ahayd inay qabato. Haddaba, hirgelinta heshiiskii 17 Sebt, inkasta oo ay khaladaadkiisa jiraan, ayaa illaa hadda ah xalka ugu wanaagsan ee lagu xasilin karo xaaladda hadda jirta ayuu yiri” Senator Cumar Cabdirashiid.
Qoraalkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, isla markaana Muqdisho ay ka socdan kulamo looga hadlayo sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.
Home Wararka Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ku baaqay in la cunaqabateeyo dadka carqaladaynaya heshiiskii 17-kii...