Iyada oo ay nagu soo fool-leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan ayay qaar ka mid ah culimada ismaamulka Mombasa dowladda ugu baaqeen in ay dib u eegis ku sameyso amarro ay dhawaan shaacisay.
Maalinkii Jimcaha ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in howlaha goobaha cibaadada sida salaadaha jamaacadaha ah la joojiyay gaar ahaan 5 ismaamul.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale mamnuucay isku imaatinka dadweyne ee dowlad deegaannadan.
Culimaaudinka Mombasa ayaa sheegaya in aan arrinkaas lagala tashan madaxda muslimiinta sidaas awgeedna ay ahayd in laga fiirsado.
Waxay carrabka ku dhufteen in amarkan uu saameynaya cibaadada gaar ahaan xilliga bisha Ramadaan.