Madaxda maamul goboleedyada iyo mucaaradka oo kulan yeeshay

0
553

Shir ayaa hotel ku yaala Xeen-daabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa uu kaga furmay madaxweynayaasha Shanta Maamulka Goboleed iyo Xubnaha Madasha Badbaadada Qaran ee uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Kulankaan ayaa yimid kadib markii kulamo saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ay ku gaareen is-afgarad la xiriira sidii loo qancin lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Kulankaan waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii Ajande loo dhan yahay looga hadli lahaa shirweynaha loo balansan yahay oo la filayo inuu dhex-maro Madaxda dowladda & Maamul Goboledyada ee lagu qabanayo xerada Afisiyooni.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Maamul goboleedyada, Xubnaha Madasha Badbaadada Qaran iyo Siyaasiyiin kale si loo dhameeyo khilaafka ka jira doorashooyinka Soomaaliya.