Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa loo soo jeediyay in ay kordhiso miisaaniyadda dhaqaale ee ay siiso xarumaha ay wax ku bartaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah.
Baaqan waxaa soo saaray ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta ardaydan dugsiyada u dhigo ee (KUSNET)
Xoghayaha guud ee ururka KUSNET James Torome ayaa sheegay in ay ku dadalayaan sidii loo wanaajin lahaa adeegyada ay helaan barayaashan iyo ardayda.
Torome ayaa sheegay in dalladda uu hoggaamiyo ay xubno ka yihiin in ka badan 9,001 oo macallimiin ah.
Waxaa uu intaa ku daray inay hiigsanayaan in xubnaha ururka ay tiro ahaan noqdaan 18,000.