Maraykanka oo aan kormeer ku sameyn doonin doorashada Uganda

0
1067

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay meesha ka saartay go’aan ahaa inay kormeerto howlaha doorashada madaxtinimo ee berri ka dhacaysa wadanka Uganda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday danjiraha Maraykanka ee Uganda Natalie Brown.
Haweeneydan ayaa mowqifka ay qaateen u aaneysay in guddiga doorashooyinka ee Uganda sida ay hadalka u dhigtay uu diiday in ugu yaraan boqolkiiba 75 ee kormeerayaasha dhalasho ahaan ka soo jeedo Maraykanka uu aqoonsi siiyo in kastoo laga codsaday.
Danjiraha ayaa intaa ku dartay in guddiga doorashooyinka ee Uganda uunan faahfaahin ka bixin sababta uusan dhammaan kormeerayaasha aqoonsi u siin.
Ambasadoor Brown ayaa bayaan ku sheegtay in sidaas awgeed aynan suuragal ahayn in xukumadda Washington ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa goobaha kala duwan ee codbixinta guud ahaan wadanka Uganda.
Sanadkii 2016-kii oo ay Uganda doorasho ka dhacday ,waxaa arrimaha kormeerka Maraykanka ku matalay 88 sarkaal.
Ilaa 10 musharrax oo uu ka mid yahay Bobi Wine ayaa doonaya inay hoggaanka Uganda kala wareegaan madaxweyne Yoweri Museveni oo hayay tan iyo sanadkii 1986-dii.