Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Deni & Axmed Madoobe kala hadlay xalLinta khilaafka doorashada

0
1010

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftaagreen) ayaa bilaabay dadaalkiisa ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.
Madaxweyne laftaagreen oo shalay ku laabtay Magaalada Baydhabo maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho kadib, ayaa warar soo baxaya waxaay sheegayaan inuu khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland.
Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya waxay u xaqiijiyeen in Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ka dalbaday Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Heer Maamul goboleed kadibna laga wada hadlo xal u helida khilaafka doorashada Soomaaliya ku gadaaman.
Sida ay wararku sheegayaan Majirto jawaab rasmi ah oo Madaxweynayaasha jubbaland & Puntland ay dalabkaasi ka siiyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hayeeshee ay xusid mudan tahay in arintaan uu Madaxweynaha Puntland horay uga qaadanwaayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay ku kulmeen Magaalada Garoowe.
Madaxweynah Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa horay u waday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka doorashada, hayeeshee wuxuu sheegay in dhanka uu Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay arintaasi ka socon wayday wallow ay beeniyeen.
Muranka la xiriira doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo, xubnaha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ayaa ka soo horjeestay guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda walow aysan cadaymo soo bandhigin muujinaya arintaasi.