Guddiga PSC oo xayeysiiyay xilalka madaxa bangiga dhexe iyo ku xigeenkiisa

0
275

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa shaaciyey inay bannaan yihiin jagooyinka madaxa bangiga dhexe ee dalka ee (CBK) iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa arrinkan qoraal ku sheegay guddoomiyaha PSC Anthony Muchiri.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu xafiiska banneynaya Patrick Njoroge oo bangiga CBK soo hoggaamiyey labo xilli.
Guddiga adeegga dadweynaha ayaa laga soo xigtay in cid kasta oo xilalkan daneynaysa ay haysato ugu dambeyn 19-ka bisha Afaraad ee sanadkan si ay codsigeeda u gudbiso.