Guddoomiyaha guddiga nabad galiyada ee deegaanka Dadaab Cismaan Cabdi Ibraahim ayaa si adag uga soo horjeedsaday go’aan ay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ka qaadatay arrimaha qaxootiga.
Mas’uuliyiinta wasaaradda oo uu hor kacaya Dr. Fred Matiangi ayaa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku dejinayso qorshaha la doonayo in lagu xiro xeryaha Dadaab iyo Kakuma.
Cismaan Cabdi Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa madaxwaynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu xilka ka qado wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadka deegaanka ahaan aynan marnaba raali ka noqon doonin ku tallaaba qaadka go’aankii dhawaan soo baxay ee loo bandhigay UNHCR.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha nabad galiyada Dadaab oo ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay...