Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka bariga Mandera Cumar Maxamad Macallim ayaa ka tacsiyeeyay geeridii shalay ku timid ugu yaraan labo qof oo lagu dilay weerarkii baska ee ka dhacay deegaanka Lafeey.
Waxaa uu shacabka ku nool Mandera ugu baaqay in ay iska kaashadaan ka shaqeynta nabad galyada oo ayna u midobaan cadow uu xusay inuu in muddo ah dhibaatooyin ku hayay dowlad deegaankaas
Xildhibaanka ayaa sidoo kale shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah oo ku saabsan qaraxii shalay ku boorriyay in ay arrinkaas ka fiirsadaan oo aynan bulshada colaad ka dhex abuurin.