Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmaray Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan iyo dowlada Fedraalka Soomaaliya, iyadoo shalay lagu soo dhaweeyay C/rashiid Janan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Go’anka uu qaatay Cabdirashiid Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Maamulka Jubaland, welina mowqifkooda arrimaah Gobolka Gedo uu yahay sidiisii.
Wasiirku Wuxuu sheegay inay ka warheleen waqtiyadii ugu dambeeyay inuu C/rashiid Janan wada-Hadalo kula jiro dowladda Federalka Soomaaliya, hayeeshee Shaqadii uu ka tegay ay wali sideedii u sii socon doonto.
Maamulka Jubaland ayaan ku dheeraan ka hadalka go’aanka Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan uu kula heshiiyay dowladda Soomaaliya, hayeeshee shalay ayuu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.