Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay banaanbaxayaal Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay ku rasaaseeyeen magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inan marnaba la aqbali Karin in la rasaaseeyo dad Shacab ah oo dhigayay dibadbax Nabadeed.
Warka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri aad Ayaan uga xun tahay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.
Dhanka kale Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan inay dibadbaxyo ka abaabulayan degaano ka tirsan Gobolka sanaag.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay fowdo iyo kicin dadweyne ka wado Sida uu hadalkiisa u dhigay meelo kamid ah Gobolka Sanaag, hayeeshee Puntland ay ka hortagtay.
Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in dowladda federaalka ay degaannada Maamulka Puntland ka wado Abaabul lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada sida uu warkiisa ku sheegay.
Shalay ayaa waxaa Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dadka ku Nool Magaaladaas, hayeeshee waxaa rasaas ku kala eryay Ciidamo Amanaka Maamulka Puntland.
Home Wararka Soomaaliya Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Banaanbaxyo ay rasaaseeyeen Ciidanka Puntland