DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo Fuliyay Howlgal Burcad lagu qabtay

0
347

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdiso ka Fuliyay howlgalo lagu soo qabqabtay Kooxo Burcad ah oo Xiliyada Habeenkii Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho dadka Shacabka ah Telelfoonada kaga Dhici jiray.
Howlgalkii ugu danbeeyay oo Xalay ka dhacay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa Ragaan Burcada ah lagu qabtay Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaana soo bandhigay ilaa 4 Qof oo rag ah IYO Hubkii ay wateen oo ahaa 3 AK 47 14 iyo Booshashkooda kuwaasoo howlgalkaas lagu soo qabta.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ragana sharciga la marsiindoono ayagoo dhanka kalena soo bandhigay Tiro Teloofano,Taarkooyoin bootooyin ay adeegsanayeen iyo kuwo ay kooxdaan burcada ah dadka shacabka ah ka dhaceen.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ilaa 30 qof oo Burcadaas ka mid ahaa dhawaana sahrciga la marsiin doono.