Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa helay amar maxkamadeed oo u oggolaanaya inuu dib ula wareego dhul ku yaalla ismaamulka Nakuru oo horay si sharci darro ah lagu qaatay.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore Antony Ombyay oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka laanteeda Nakuru.
Qiimaha lacageed ee dhulkan ayaa ah 150 milyan oo shilin.
EACC ayaa horay u gudbisay dacwad ka dhan ahayd Alexander Sitieney oo la soo shaqeeyay madaxweynihii labaad ee dalka iyo guddoomiyihii hore ee arrimaha dhulalka Wilson Gachanja.
Baaritaano uu sameeyay guddiga EACC ayaa lagu ogaaday in sanadkii 1996, Alexander Sitieney uu dhulkan si aan nidaam ahayn ku qaatay.
Xaakinka ayaa sheegay in warqadii lagu bixiyay dhulkaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah.