Guddi isku-dhaf ah oo loo xilsaaray arrimaha waxbarashada oo kulan yeeshay

0
1037

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay kulmeen xubnaha guddi isku-dhaf ah oo dhawaan loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo sidii dhammaan ardayda wadanka ay boqolkiiba boqol dib ugu laaban lahayeen dugsiyada la furay.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray in la qiimeeyo sida ilaa iyo hadda ay ardayda iskaga xaadiriyeen goobaha waxbarashada.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in wasiirro iyo xoghayayaal kala duwan ay tagayaan dugsiyada ismaamullada si ay indha-indhayn u soo sameyaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhawaan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta lagu wareejiyo warbixin dhameystiran oo ku aaddan habsami u socodka howlaha tacliinta.
4-tii bishan ayay ahayd markii la furay dugsiyada dalka oo intooda badan xirnaa tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sanadkii hore xilligaas oo gudaha Kenya laga xaqiijiyay xaaladdii ugu horreysay ee caabuqa corona.