Mike Pence oo diiday soo jeedin ah in uu xafiiska ka saaro Trump

0
559

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa ku gacan seyray soo jeedin uga timid golaha wakiillada ee wadankaas oo ahayd inuu guda galo qorsho isaga iyo Donald Trump ay xafiiska ku baneynayaan.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyadoo lagu wado in Trump uu 20-ka bishan hoggaanka ku wareejiyo Joe Biden oo kaga guulaystay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii tagay.
Hasa ahaate Mike Pence ayaa wakiillada u sheegay inuusan ku taageersanayn in uu adeegsado geeddisocodka isbeddelka 25-aad ee sharciga wadankaas.
Trump ayaa dhankiisa sheegay in doodda arrinkan ku aaddan aynan wax saameyn ku lahayn balse hadii lagu dhaqaaqo maamulka Biden uu ka qoomameyn doono.