Gabadh 7 sano jir ah oo lagu toogtay Myanmar

0
433

Ciidamada militariga ee dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in ay toogasho ku dileen gabadh toddobo sano jir ah xilli ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal isugu tagay waddooyinka magaalada Mandalay.
Shacabka ayaa weli muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee Myanmar ka dhacay 1-dii bishii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Khin Myo Chit la dilay xilli aabaheed la bartilmaameedsanayay.
Sidoo kale labo qof oo dheeraad ah ayaa magaaladaas lagu dilay.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka militariga Myanmar Zaw Min Tun uu sheegay in dibadbaxyada lagu dilay 164 qof halka urur u dooda xuquuqda maxaabiista siyaasadeed uu tiradan ku sheegay ugu yaraan 275 qof.