Guddoomiyaha ismaamulka Cali Bunow Qorane ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo loo jeediyay maamulkiisa oo ku aaddan in uu hor istaagay lacago bangiga adduunka uu ugu talagalay deegaannada Fafi, Dadaab iyo Lagdheera.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaannada laga soo doortay saddexdan deegaan ee kala ah Cabdikariin Cismaan , Maxamad Daahiye iyo Maxamad Hire ay dhaliileen dowlad deegaanka Garissa.
Waxay sheegeen in maamulka Cali Bunow uu faragelin ku hayo mashaariicda loogu magacdaray KDRDIP ee lagu taageeraya dadka ay deegaanadooda saameynta ka soo gaartay martigelinta qaxootiga.
Xilli uu si rasmi ah magaalada Garissa uga furay kulan ay ka qayb galeen deeq bixiyaal ayuu barasaabka dowlad deegaankaas cadeeyay in lacagaha ay xildhibaannada sheegeen in uu isaga damac kaga jiro ay yihiin kuwo ay maamusho dowladda dhexe.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda ismaamulka Garissa aynan maareyn isticmaalka dhaqaalaha lagu bixiyay mashruuca uu maalgelinayo bangiga adduunka ee (KDRDIP).
Mr. Qorane ayaa sheegay in dhaqaalahan uu yahay 100 milyan oo doolar oo u dhiganta 10 bilyan oo shilin.
Waa amaah la siiyay dowladda Kenya oo loogu talagalay in la isticmaalo muddo 5 sano ah si loo xoojiyo maalgelinta dhinaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulsho ee saddexda deegaan.
Barasaabka Garissa ayaa sheegay in aynan ahayn arrin la qaadan karo inuu is hor taago mashruuc ay ka faa’iidaysanayaan dadka danyar oo uu hoggaamiyo.
Waxaa uu xusay in dowladda ismaamulka Garissa ay mar hore warqad u qortay bangiga adduunka iyo guddiga dowladda dhexe arrinkan u qaabilsan iyada oo doonaysa in xog mashruucan ku saabsan loo caddeeyo.
Mr. Qorane ayaa sheegay in warqaddaas ay ahayd mid ku saleysan xaqiijinta in loo wada hoggaansamo qodobadii lagu heshiiyay markii la saxiixayay is-afgaradka la xiriira barnaamijkan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kaalinta dowladda ismaamulka Garissa ee mashruucan ay iska caddahay.
Waxaa uu siyaasiyiinta uga digay inay joojiyaan eedeymaha uu ku tilmaamay kuwo aan laga fiirsan oo sida uu hadalka u dhigay saameyn karo dhaqangelinta mashruucan.
Home Wararka Kenya Barasaabka Garissa oo beeniyay in uu caqabad ku noqday mashruuca bangiga adduunka...