Ururka KMPDU oo sheegay in ay buuxsameen qaybaha ICU-da

0
611

Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU oo ay xubno ka yihiin saraakiisha leh takhasuska kala duwan ee caafimaadka sida kuwa qaabilsan cudurrada ilkaha iyo howlwadeenada farmashiyada ayaa sheegay in aysan jirin meelo ka banaan qaybaha daryeelka degdegga ee lagula tacaalo dadka xaaladoodu caafimaad liidato ee loo yaqaano ICU-da guud ahaan dalka.
Ku simaha xoghayaha guud ee ururka KMPDU Dr. Chibanzi Mwachonda ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay ku boorriyay dhammaan xubnaha bulshada iyo hoggaamiyaasha siyaasadda inay u hoggaansamaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 si loo badbaadiyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
Waxaa uu intaa ku daray in ay sii kordhayaan xaaladaha cudurka oo aysan ka badbaadin shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in 10 dhakhaatir ay hadda ku jiraan isbitaallada kala duwan ee dalka islamarkaana ay u jiifaan fayraska Korona.
Dr. Chibanzi ayaa xusay in la joogo heer loo baahan yahay dhakhaatiir badan oo heer gobolleed ah.
Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa sidoo kale sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda guud ee habacsanaanta iyo u hoggaansami la’aanta tilmaamaha cudurka COVID-19 ee wadanka.
Xoghayaha ururkan ayaa ku celceliyey in tirada kiisaska ee sii kordhaysa ay saameyn doonto nidaamka daryeelka caafimaad islamarkaana dadka uu cudurka soo rito hadii ay u baahdaan qaybta daryeelka degdegga ah ICU loo waayi doono.
Waxaa uu intaa ku daray in tirada dhakhaatiirta oo aad u yaraatay ee dalka oo dhan ay wax u dhimeyso bixinta adeegyada caafimaadka.
Dr. Mwachonda ayaa sheegay in bishaan ay diiwaan geliyeen kororka kiisaka cudurka ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka taas oo muujineysaa baahida loo qabo in qof walbo uu taxaddarro ayuu yiri.
Waxaa uu ka codsaday wasaaradda caafimaadka iyo hanti-dhowrka qaranka inay si dhakhso ah ay u cusbooneysiiyaan qandaraaska 156 shaqaale si ay uga shaqeeyaan xarumaha caafimaadka.
Xoghayaha KMPDU ayaa muujiyey taageerada tallaalka ee dhawaan dalka la keenay, balse waxaa u xusay inay jirto qaadasho hoose iyo ka gaabis ay ugu wacan tahay ka-qaybgal la’aanta iyo wacyigelinta.
Waxaa uu si kastaba ha ahaatee sheegay in dalladan ay bilaabi doonto olole wacyigelin ah dalka oo dhan si loo kordhiyo qaadashada tallaalka iyadoo lala kaashanayo xubnaha ururkan.