Shirkadda qaran ee duulimaadka ee Kenya Airways ayaa sheegtay in sanadkii hore uu soo gaaray khasaaro hantiyeed oo dhan 36.2 bilyan oo shilin.
Qiimahan ayaa lagu sheegay midkii ugu sarreeyay ee ay shirkad ku taalla gudaha Kenya diiwaangeliso in dhaqaale ahaan ay lumisay taariikhda wadanka.
Waxaa arrinkan loo aaneeyay saameynta ka dhalatay cudurka COVID-19 oo carqaladeeyay howlaha duulimaadka.
Shirkadda ayaa sheegtay in sanadkii hore ay u adeegtay rakaab dhan 1.8 milyan marka loo barbardhigo 2019-kii oo tiradan ay ahayd 5.2 milyan.