DHAGEYSO:Howlgalo amni xaqiijin ah oo Jowhar laga fuliyay

0
606

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo dad lagu qabqabtay waxaay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib salad Xureyste, waxaana howlgalka laga sameeyay wadooyinka,xaafadaha Magaalada Jowhar & duleedkeeda.
Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib Salaad Xureyste ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka mar waliba sameeyaan,sidoo kalena uusan joogsan doonin ilaa laga xaqiijiyo Amniga Magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada lana xakameeyo weerarada ay shabaaku gaystaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasoo ka qayb qaata falalka Amni darrada ah ee Magaalada ka dhaca isagoo shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan amaanka Magaalada Jowhar iyo deegaannada kale ee Hoos yimaada.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta ee Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar waxayna faahfahain ka bixiyeen howsha halkaas ka socota