Dowladda oo bandowga ka qaaday degmada Kapedo ee ismaamulka Turkana

0
550

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr Fred Matiang’i ayaa ka qaaday degmada Kapedo ee bariga ismaamulka Turkana bandowgii 30-kii maalmood ee saarnaa.
Bandowgan ayaa looga gol lahaa sidii loo soo celin lahaa xasiloonida xadka ay wadaagaan ismaamulladaTurkana iyo Baringo ka dib markii ay halkaas dagaalo ka dhaceen.
Dr. Matiangi ayaa sheegay in bandowgan la qaaday ka dib markii lagu guulaysatay xaqiijinta amniga deegaankaas.
Waxaa uu sido kale sheegay in intii ay halkaas laamaha ammaanka ka wadeen hawlgalo amni xaqiijin ah la soo helay 53 qori.
Kapedo ayaa horay loo saaray Bandow bilaabanayay 6-da maqribnimo kaas oo ku ekaa ilaa 6 arroornimo.
Si kastaba ahaate waxaa guud ahaan dalka hadda ka jiraa bandow bilaabanaya 10-ka habeenimo kaas oo ku eg 4-ta arrornimo si looga hortaggo faafitaanka cudurka COVID 19.