Ismaamulka Mombasa oo soo saaray tallaabooyin lagula tacaalaya COVID-19

0
585

Guddiga dowladda ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta u qaabilsan la dagaalanka cudurka COVID-19 ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin dheeraad ah oo looga gol-leeyahay xakameynta faafidda cudurka COVID-19.
Waxaa soo jeedinnada ka mid ah in ugu yaraan boqolkiiba 99 ee dadka adeegsado feeriga ay billaabaan isticmaalka buundada marinka Likoni.
24-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii marinka Likoni loo furay dadweynaha .
Guddoomiyaha guddigan sidoo kalena dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Mombasa Mr Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in waxyaabaha ay soo jeediyeen ay ka mid tahay in maamulka marinka casriga ee tareenada ee SGR iyo shirkadaha diyaaradaha ee adeegsado garoonka Moi International Airport ee Mombasa ay si buuxda ugu dadalaan xakameynta faafidda caabuqa corona.
Mr. Kitiyo ayaa xusay in loo baahan yahay in safarrada habeenkii dib u eegis lagu sameeyo maadaama aynan waafaqsaneyn xilliga bandowga habeenkii dalka ka jiro.
Sidoo kale waxaa uu guddigan ku taliyay in fiiro gaar ah loo lahaado isku imaatinka dadweynaha tusaale masaajidda iyo kaniisadaha.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in tirada dadka goobahan galaya ay Khasab tahay in aynan ka badan boqolkiiba 30 inta ay meeshu qaadi karto.
Sidoo kale Mr. Kitiyo ayaa sheegay in kulamo iyo aqoon isweydaarsi la qabtay dhawaan ay dad badan ka soo qayb galeen sidaas awgeedna la doonayo in qaab online ah loo beddelo.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay in aynan fududeysan halista cudurka .
Waxaa uu ku celceliyay in cid kasta ay mas’uuliyad iska saarto badbaadinta nafteeda iyo si guud bulshada.
Mr.Joho ayaa sheegay in xarumaha caafimaad ee halkaas ku yaalla ay qaadi karaan ilaa 800 oo ah sariirada loogu talagalay bukaanka iyo 12 ku jiro qaybaha daryeelka degdegga ee ICU-da.