Wararka naga soo gaaraya dalka Niger ayaa sheegaya in rag hubeysan oo mootooyin adeegsanaya ay dileen ugu yaraan 137 qof.
Waxay weeraro kala duwan ku qaadeen tuulooyin ku yaalla koonfurta galbeed ee wadankaas.
Tuulooyinkan ayaa kala ah Intazayene, Bakorat iyo Wistane waxayna u dhow yihiin xadka kala qaybiya dalalka Niger iyo Mali.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradan.