Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa u safray wadanka Tanzania isagoo ka qayb galay baroordiiq maanta loo sameeynayay madaxweynihii wadanka Tanzania ee geeriyooday John Pombe Magufuli.
Munaasabaddan ayaa ka dhacday garoonka Jamhuri oo ku yaalla magaalada Dodoma.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Madaxda kale ee ka qayb gashay ayaa kala ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi,madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera, dhigiisa dimuqradiyadda Congo Felix Tshisekedi ,madaxweynaha Comoron Azali Assoumani, madaxweyna Zambia Edgar Lungu, madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa iyo madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyusi.
Waxaaa uu qorshuhu yahay in meydka hoggaamiyihii hore ee Tanzania la aaso 25-ka bishan.
Dalalka kale ee ay aaska ku matali donaan wakiillo gar waxaa ka mid ah dalka Uganda, Sri Lanka, Angola, Burundi, Namibia iyo kuwa kale.
Samia Suluhu Xasan oo ku xigeen u ahayd Magufuli ayaa maalmo ka hor loo dhaariyay xilka madaxtinimo ee Tanzania si ay u dhameystirto sanadaha ka haray muddo xileedka mas’uulkii geeriyooday.
Shacabka dalka Tanzania ayaa tan iyo Sabtidii u daawasho tagayay meydka madaxweynihii shanaad ee dalkaas oo geeriyooday Arbacadii la soo dhaafay isagoo 61 jir ah ka dib xanuun dhanka wadnaha oo saameeyay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta hadal kooban ka jeediyay magaalada Dodoma ee dalka Tanzania ayaa yiri
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka qayb galay baroordiiq loo sameeynayay dhigiisi Tanzania