Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay madaxda Jubbaland iyo Puntland

0
591

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka codsaday madaxda Jubbaland iyo Puntland inay kasoo qeybgalaan shirka maanta ka furmay Muqdisho.
Wuxuu intaas ku daray in shirka uu sii socon doono tan ilaa looga heshiinayo arrimaha doorashada.
“Shirka wuu sii socon doonaa, waxaana ugu baaqeynaa oo aanu fileynaa rajeyneynaa madaxda ka maqan shirka ee aan maanta imaanin inay kasoo qeybgeli doonaan” ayuu yiri Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo u muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyay kulan hordhac u ah shirka.
Waxaana shirka ka qeybgalay madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.