Maxkamadda Niger oo ayidday guushii madaxtinimo ee Maxamad Bazoum

0
640

Maxkamadda arrimaha dastuurka ee dalka Niger ayaa sheegtay in Maxamad Bazoum uu ku guulaystay xilka madaxtinimo ee doorashadii dhacday bishii hore.
Waxaa go’aanka ku dhawaaqay Bouba Mahamane oo madax ka ah maxkamaddan.
Garsooraha ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan oo ayna shaacinayaan in Bazoum uu ku soo baxay wareegii labaad ee codeynta madaxtinimo ee 2-dii bishii hore.
Wuxuu intaa ku daray in Maxamad Bazoum uu helay boqolkiiba 55.6 ee codadkii la dhiibtay.
Wareegga labaad ee codeynta waxaa u soo baxay boqolkiiba 62.9 ee codbixiyayaashii is-diiwaangeliyay.
Waxay tani musharraxan oo matalaya xisbiga wadankaas hoggaamiyo u suurtagelinaysaa in la dhaariyo bisha soo socoto.
2-da bisha Afaraad ee sanadkan ayaa la filayaa in la caleema saaro Bazoum.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii mucaaradka ay gudbiyeen dacwad ay kaga soo horjeedaan natiijada.
Sidoo kale labo qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Niamey xilli xubnaha mucaaradka ay mudaharaadayeen.
Waxaa dhanka kale saraakiisha ammaanka ee Niger ay xilligaas gacanta ku dhigeen in ka badan 400 oo qof oo dibadbaxyada ka qayb qaatay.
Bayaanka maxkamadda waxaa qayb ka ah in madaxweynihii hore Mahamane Ousmane uu helay boqolkiiba 44.34 ee codadkii la dhiibtay.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada 73 ka mid ah goobihii codbixinta in kastoo aynan faahfaahin sababtu.