Xildhibaanka Kiharu oo sheegay in xisbiga UDA uu waxqabad fiican sameeyay

0
606

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kiharu ee ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka Mr. Ndindi Nyoro ayaa difaacay xisbiga UDA in kasta oo looga adkaaday doorashooyinka ku celiska ahaa ee dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah dalka.
Waxaa uu ammaanay xisbiga dhawaan la aas aasay ee UDA, isagoo sheegay inuu waxqabad aad u fiican sameeyay marka loo barbar dhigo xisbiyada kale ee dalka ka jira.
Waxaa uu xusay in kasta oo xisbiga UDA uu yahay xisbi saddex bilood jira, ay ku guuleysteen kursi wakiil deegaan hoose sidoo kalana musharrax madax banaan ay garab ku siiyeen doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Msambweni ee ismaamulka Mombasa.
Hadalka mudanaha ayaa ku soo aadaya maalmo uun dib markii musharraxii xisbiga UDA ee kursiga senetka ee ismaamulka Machakos ee doorashada looga adkaaday.
Waxaa uu dhanka kale eedeyn u jeediyay shakhsiyaadka doonaya in xubnimada uu xisbiga Jubilee ka hayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ay ka qaadaan.
Mudanaha Kiharu ayaa ku andacooday in xisbiga talada haya uu hadda lumiyay inta badan taageerayaashiisa.
Waxaa uu intaa ku daray in qofna uusan isku dayi karin inuu ka fikiro sidii Ruto iyo xulafadiisa looga saari lahaa xisbiga talada haya ee Jubilee.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadii wasiirka wasaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’I uu doonaya inuu u tartamo jagada madaxtinimo ee doorashada 2022-ka uu iska casilo xilka uu hadda hayo.