Hoggaamiyihii mucaaradka Congo oo geeriyooday

0
637

Hoggaamiyihii mucaradka ee dalka Congo ,Guy Brice Parfait Kolelas ayaa ku dhex geeriyooday diyaarad ka qaadday magaalada Brazzaville taas oo ku wajahnayd wadanka Faransiiska.
Waxaa uu sidoo kale ahaa musharraxa madaxwayne ee mucaaradka Congo ku matalyay doorashadii madaxtinimo ee dhawaan dhacday.
Mr.Kolelas ayaa geeriyooday shalay galab hal maalin un kadib marki dalkaasi laga codeeyay.
Hoggaamiyahan ayaa la sheegay in uu u geeriyooday caabuqa dilaaga ah ee covid-19 sida wakaaladda wararka ee AFP uu u sheegay agaasimaha ol’olaha doorshada Cyr Rodrigue.
Muqaal la soo galiyay baraha bulshada oo ku taarikhaysan Jimcihii ayaa muujinaya 61-jirkan oo xiran maskaro sidoo kalena lagu caawinaya agabka oxygen-ka.
Mr. Guy Brice Parfait Kolelas ayaa doorashadi sanadkii 2016-kii ka dhacday Congo soo galay kaalinta 2-aad isaga oo helay boqolkiiba 15 ee codadkii la dhiibtay.
Aabihii Bernard kolelas ayaa wakhti kooban soo noqday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi 1997 intii uu socday dagaalki sokeeye ee wadankaas.
Mr. Kolelas oo dhashay 6-di bishi sideedaad ee sanadkii 1959, waxaa uu caan ku ahaa dhaleecaynta dowladda uu hoggaamiyo madaxwayne Denis Sassou Nguesso.
Musharraxan geeriyooday ayaa loo arkayay in uu yahay musharraxa ugu awoodda roon ee la tartamaya madaxwayne Nguesso oo isu gayn wadankaasi xukumayay 36 sano.