DHAGEYSO:Wasiirka tacliinta oo digniin u diray qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada

0
687

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay oo lacago ka qaaday arday balse aan diiwaangelin.
Waxaa uu xusay in ardaydaas ay fursad u helayaan in ay imtixaanka qaran sameyaan.
Prof. Magoha ayaa sheegay in uunan jirin arday isku diiwaangeliyay imtixaanka sidoo kalena yimid goobta loogu talagalay oo loo diidi karo in uu ka jawaabo su’aalaha maadooyinka kala duwan.
Wasiirka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in natiijada ka soo baxdo imtixaanada lagu kalsoonaan karo maadaama laga hor tagay qaab kasta oo wax isdaba marin ah.
Dhanka kale guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nakuru Erastus Mbui ayaa sheegay in ay si weyn u sugeen amniga goobaha imtixaanka KCPE-da lagu sameeynaya

Guddoomiyaha golaha imtixaanada qaran ee KNEC Prof. John Onsati ayaa Kenyaanka u xaqiijiyay in ayan jirin cid xilli hore heshay ama lala wadaagay warqadaha imtixaanka KCPE-da.