Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa guul u rajeeyay dhammaan ardayda maanta billaabay in ay sameyaan imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE).
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ardayda iyo macallimiinta ay sameyeen dadaal ku filan oo la xiriira imtixaanka shahaaddiga ah.
Oguna ayaa sidoo kale waalidiinta iyo dadka mas’uulka ka ah carruurta ugu baaqay in ay niyadda u dhisaan xilligan adag.
Sanadkan waxaa imtixaanka sameynaya arday tiro ahaan dhan 1.19 milyan.
KCPE-da ayaa lagu sameyn doona 28,467 xarumood guud ahaan dalka.