Australia oo kumanaan qof daadgurayn doonto ka dib daadad saameeyay

0
568

Maamullada dowladda dalka Australia ayaa qorsheynaya in ay daadgureyaan kumanaan qof oo dheeraad ah oo laga saaraya meelaha ay fatahaadaha saameyeen ee wadankaas.
Dadkan ayaa ku nool gobolka New South Wales gaar ahaan galbeedka magaalada Sydney iyo deegaannada u dhow.
Fatahaadaha oo lagu sheegay kuwii ugu darnaa muddo 60 sano ah ayaa yimid ka dib roobab xooggan oo tan iyo Khamiistii la soo dhaafay wadankaas ka da’aya welina la filaya in ay sii socdaan.
Haweeneyda madaxa ka ah gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa warfidiyeenka u sheegtay in xaaladdu ay adag tahay sidaas awgeedna loo baahan yahay in dadaallada la laba-jibaaro.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa 18,000 oo qof laga daadgureeyay deegaannada jooggodu hooseeya ee u nugul saameynta daadadka.