Dalka Congo oo ay doorasho ka socoto

0
588

Waxay doorasho madaxtinimo ka socota dalka Congo in kastoo garabka ugu weyn ee mucaaradka uu codeynta qaadacay.
Goobaha codbixinta ee wadankaas ayaa furmay 7-dii subaxnimo ee maanta waxay soo xirmayaan 5-ta galabnimo.
In ka badan 2.5 milyan oo codbixiyayaal ah ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada.
Waxaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Congo Denis Sassou Nguesso uu codeynta kaga adkaado 6 musharrax oo kale.