Saddex haween ah ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen ka dib markii doon ay saarnayeen ay kula degtay harada Victoria.
Wararka ayaa intaa ku daraya in haweenkan ay ka safreen deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga Arongo ee degmada Seme oo ka tirsan ismaamulka Kisumu.
Ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay in la helay meydadka saddexda qof halka labo kale weli la la’yahay.
Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in shakhsiyaadkan ay ka soo laabteen aas ka dibna guda galeen in ay sawirro iska qaadaan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta uga warrantay sida ay wax u dhaceen