Kenya oo sheegtay inay safaarad ka furaneyso dalka Morocco

0
409

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay safaarad ka furan doonto magaalada Rabat ee dalka Morocco dabayaaqada sanadkan.
Kenya iyo Morocco ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dhaqaale oo wanaagsan waxayna iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, wax soo saarka beeraha , caafimaadka, dalxiiska iyo tamarta.
Ruto oo wada hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha Morocco Aziz Akhannouch oo ay ku kulmeen magaalada Dakar ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka go’an tahay sare u qaadidda cilaaqaadka labada dhinac.
Waxaa uu madaxweynaha sidoo kale la kulmay dhigiisa Senegal Macky Sall oo ku baaqay in meesha laga saaro shuruudaha dal ku galka ee waddamada Afrika si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha.