Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa xal ka gaaray kala qaybsanaantii ka dhex jirtay hoggaamiyayaasha golaha hoose ee ismaamulka Kericho ka dib markii ay isku khilaafeen hoggaanka .
Arrintan ayaa daba socotay ka dib isqab-qabsi ismaamulkaasi ka dhacay toddobaadkii hore halkaasoo muuqaal baraha bulshada la soo dhigay laga arkayay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ismaamulkaasi oo dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmarayo.
Dhacdadaasi ayaa keentay in madaxweyne William Ruto uu digniin adag u jeediyo mas’uuliyiintii falkaasi ku kacay.
Jagooyinka khilaafka dhaliyay ayaa kala ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda iyo ku xigeenkiisa golaha hoose ee Kericho.
Shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweyne ku xigeenka dalka ayuu ka sheegay inuu wada-hadal la yeeshay madaxda baarlamaanka ismaamulka Kericho islamarkaana la gaadhay go’aan dhexdhexaad ah oo lagu dhameeyay khilaafaadkii jiray.
Isagoo fulinaya codsiga madaxweyne Ruto ee ah in arrintan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalliyo, Gachagua ayaa xusay inay muhiim tahay in xal kama daMbays ah laga gaaro dhammaan arrimahan maadaama ismaamulka uu heer sare ka gaarayo shaxda siyaasadda ayna khilaafyadu curyaaminayaan adeeg bixinta.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay in mas’uuliyiintu ay isku afgarteen in la qabto doorasho ay ku xulanayaan madaxdooda, iyagoo si wadajir ah u gaaray go’aan ku saabsan madaxda gaarka ah ee kuraasta ku fadhiisan doonta.
19th January, 2023
As directed by H.E. President @WilliamsRuto, today, at Harambee House Annex, I held a fruitful consultative meeting with the leadership of @kerichocountygv; the MCAs, Governor Mutai, Senator @Aaroncheruiyot and the Woman Rep. Hon. Beatrice Kemei. pic.twitter.com/sHMlnKyDkv
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 19, 2023
All @AssemblyKericho MCAs, Governor Dr. @Dr_MutaiEric Sen. @Aaroncheruiyot, Woman Rep Hon. @Beatricekemei_, Assembly Speaker Patrick Mutai, @UDAKenya SG Ms. @VeronicaMainaSG were present; the aggrieved MCAs over the positions agreed to drop the court cases and support new leaders pic.twitter.com/PF5mbQGt13
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 19, 2023