IEBC oo madaxweynaha dalka u qortay codsi ay ku doonayaan in la baaro rabshadii Bomas

0
305

Guddoomiyaha xafiiska banneynaya ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay inay madaxweynaha dalka u qoreen codsi ay ku doonayaan in la baaro rabshadii 15-kii bishii Sideedaad ee sanadkii hore ka dhacday xarunta Bomas oo lagu shaaciyay natiijada xilka madaxtinnimo.
Prof. Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC ayaa isna sheegay in isaga iyo Boya Molu iyo madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjaan ay rabshadii Bomas ka dib dantu ku qasabtay inay saddex maalin dhuuntaan iyagoo taleefoonnada dansaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay waxa wadanka ka taagan kala socdeen telefishinnada markii dambena ay u soo baxday in wax dhibaato ah aynan jirin.