Madaxweynaha oo maanta tagaya Bomet

0
282

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Bomet.
Waxaa uu fagaaraha Bomet Green Stadium ee bartamaha Bomet uga qayb geli doonaa munaasabad isugu jirta duco iyo mahadcelin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha oo ugu dambeyn shacabka la hadli doono ay wehelinayaan madaxda gobolka Rift Valley.
Socdaalka madaxweynaha ee dowlad deegaanka Bomet ayaa noqon doono midkiisi ugu horreeyay tan iyo markii uu sanadkii hore qabtay hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.