Nin guursaday gabadh 10 sano jir ah oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
463

Maxkamad ku taalla ismaamulka Narok ayaa nin da’diisu lagu sheegay 50 sano jir ku xukuntay xabsi daa’in, ka dib markii uu qirtay dambiga lagu soo oogay oo ahaa in uu guursaday gabadh aan qaangaarin oo 10 sano jir ah.
Ninkan oo lagu magacaaba Saigulu Ololosereka oo ka soo hor muuqday garsooraha maxkamadda sare ee Narok Phyllis Shinyada ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo kala ah, inuu faraxumeeyay ilmo yar oo aan qaangaarin, islamarkaana uu guursaday sanadkii 2019-kii.
Hasa ahaate ninkan xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa ku adkeystay inuu guursaday gabadha maadaama waalidka ilmaha yar ay u guuriyeen.
Garsooraha maxkamadda ayaa intaasi ku dartay in falkan foosha xun uu leeyahay saameyn jireed iyo mid maskaxeeed, maadaama gabadha yar lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ka hor inta aan la guursan.
Waxaa ay xustay in eedeysanaha uusan wax qoomamo ah muujinin xitaa markii looga digay baaxadda fal-dambiyeedka u gaystay, taasi beddelkeedana uu ku adkeystay in gabadha yar uu muddo saddex sano ah uu gurigiisa ku haystay.
Eedeysnaha ayaa haysto muddo 14 cisho uu xukunka lagu riday racfaan kaga qaadan karo.