Xarun COVID-19 looga tallaalayay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo la xiray

0
818

Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa bayaan ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in albaabada la isugu dhuftay qayb gaar ah oo laga furay xarunta dhexe ee wasaaradda ee magaalada Nairobi .
Goobtan ayaa laga bixinayay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ee la siinaya shaqaalaha wasaaradda iyo howlwadeenada kale ee ka ag-dhow.
Saraakiisha caafimaadka ayaa lagu wargeliyay in ay tallaalka ka qaataan xarumaha kale ee ay dowladdu ansaxisay.
Wasaaradda ayaan faahfaahin sababta loo xiray goobtan iyo xilliga dib loo furi doono.