DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Mandera oo ka tacsiyeeysay geeridii wasiirka maaliyadda

0
738

Dowaladda ismaamulka Mandera ayaa ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Ibrahim Barrow Xasan oo ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta dhaqaalaha ee dowlad deegaankaas.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Mandera Maxamed Axmed Caraay oo ku hadlayay afka dowladda hoose iyo kan barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibrahim Roba ayaa tacsidan diray

Waxaa sidoo kale tacsi diray qaar ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera oo dareenkooda sidan u muujiyay.

In nolosha wasiirka uu galaaftay cudurka waxaa xaqiijiyay barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba oo qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga kaga tacsiyeeyay.
Ibraahim Barrow ayaa wasaaradda maaliyadda ee Mandera hoggaaminayay sideedii sano iyo bar ee ugu dambeysay.
Barasaabka Mandera ayaa mas’uulka geeriyooday ku tilmaamay shakhsi aad u dhaqan wanaagsanaa sidoo kalena dadaal badan ku bixiyay wanaajinta howlaha maareynta maaliyadeed ee Mandera.
Waxaa uu Cali Roba tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta Alle ha u naxariistee Ibraahim Barrow Xasan isagoo ugu duceeyay jannatul firdowsa.
Guddoomiyaha Mandera ayaa farriintiisa ku gabagabeeyay in cudurka COVID-19 uu dhab yahay isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay dowladda ismaamulka garab ku siiyaan la tacaalidda cudurka oo qof kasta uu isa saaro mas’uuliyad shakhsiyeed sida ay ku talinayso wasaaradda caafimaadka ee dalka.