In ka badan 17 ruux ayaa dhintay halka 22 kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay bariga dalka Shiinaha.
Shilka ayaa ka dhacay degmada Nanchang ee gobolka Jiangxi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay wax yar un ka hor 1-dii habeenimo ee saacadda dalkaasi Shiinaha.
Iyadoo dhaawaca la geeyay isbitaallada si loo daaweeyo ayaa waxaa dhanka kale billowday baaritaano ku aaddan sababta keentay in mid ka mid ah baabuurta xamuulka uu ku dhaco gaari siday dad aas ka qayb geli rabay.
Shiinaha ayaa waxaa ku badan shilalka waddooyinka oo loo aaneeyo in aan si buuxda loo dhaqangelin xeerarka badqabka iyo kala hagidda gaadiidka.