Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Michael Gitonga oo horay uga soo shaqeeyay warbaahinta maxalliga ee KTN u magacaabay xoghayaha shaqooyinka dowladda.
Gitonga oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa soo dhaweeyay oo ka mahadceliyay xilka loo igmaday.
Waxaa uu sheegay inay tahay fursad uu ugu adeegi doono qaranka.
Ka hor inta aan jagadan loo magacaabin ,Gitonga ayaa ahaa agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto.
Waxaa uu ballanqaaday inuu waajibaadkiisa u gudan doono sida habboon ee laga rajeynaya.