Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI, ayaa sheegtay in toogasho lagu dilay labo qof oo looga shakiyay inay falal dhac ah ka gaysteen 5 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Waaxda ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ay la kulmeen tuhmanayaasha oo mooto saaran balse markii lagu amray inay is dhiibaan ay diideen.
Qoraalka DCI waxaa qayb ka ah in shakhsiyaadkan ay rasaas ku fureen booliiska taasoo keentay in la toogto.
Labada qof ayaa dhibaatooyin u gaystay dadweynaha ku nool ismaamullada Uasin-Gishu, Trans-Nzoia, Bungoma, Kakamega, iyo Vihiga .
In kastoo aan weli magacyadooda la shaacin waxaa howlgalka lagu soo helay qori ah nooca AK-47 oo ay ku jirto 19 xabbo oo rasaas ah.
END OF THE ROAD FOR ARMED THUGS IN EXCHANGE OF FIRE WITH SLEUTHS
Two armed gangsters who have been terrorizing residents in the five counties of Uasin-Gishu, Trans-Nzoia, Bungoma, Kakamega and Vihiga have been fatally wounded this evening, in an exchange of fire with sleuths. pic.twitter.com/s7is7PgXfI
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) January 7, 2023
A comprehensive story on the activities of the gang will be published tomorrow. #FichuakwaDCI 0800 722 203.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) January 7, 2023