Waaxda dacwad oogidda oo amartay in la baaro dilka haweeney ka tirsanayd guddiga NLC

0
629

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in abaanduulaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai uu baaritaano qoto dheer ku sameeyo geerida Jenniffer Wambua .
Haweeneydan ayaa ahayd agaasime sare oo dhanka isgaarsiinta u qaabilsan guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC.
Go’aanka Nuurdiin Xaaji ayaa soo baxay ka dib markii qaliin lagu sameeyay meydkeeda lagu ogaaday in la ciijiyay.
Maalinkii Isniinta ayay ahayd markii meydka Jenniffer laga helay keynta Ngong .